Hordhac – Group A: Basel v Arsenal PSG v Ludogorets – Gunners Iyo PSG Oo Ku Dagaalamaya Booska Koowaad

0
322

Arsenal iyo Paris Saint-Germain waxa ay group A ku wada hogaaminataan 11 dhibcood, labada kooxoodna waa ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda wareega 16ka.

PSG ayaase haatan ku jirta booska kaalinta 1aad ee Group A madaama ay farqiga goolasha ka fiican yihiin Arsenal tan kalena rikoorkooda kulamadii ay iska horyimaadeen Arsenal uu fiican yahay.

Arsenal ayaa u baahan inay guul weyn ku soo gaarto kooxda Basel oo ay caawa marti u yihiin, waana inay ku duceystaan in PSG ay ugu yaraan barbaro kala kulanto kooxda reer Bulgaria ee martida u ah caawa. Haddii kale Gunners waxa ay ku dhameysan doontaa booska kaalinta labaad mar kale.

gun__1472144082_champions-league

Booska Europa League ee Group A waxaa gacanta sarre ku leh haatan Ludogorets oo rikoorka kulamada fool ka foolka ah ka fiican Basel, iyadoo labada kooxood ay min labo dhibcood ka heleen shan kulan oo ay ciyaareen.

Kulamada Group A

Basel v Arsenal

PSG v Ludogorets

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Group A

Kooxda Arsenal waxaa kulankaan ganaax kaga maqan Francis Coquelin halka ay dhaawacyo ku seegayaan xiddigaha kala ah Debuchy, Bellerin, Cazorla, Mertesacker iyo Welbeck.

Kooxda martida loo yahay ee Switzerland waxaa ka maqan kaliya Sporar oo dhaawac muruqa bowdada qaba.

Shaxda Macquulk Ah Ee Basel v Arsenal

Basel: Vaclík; Lang, Suchý, Balanta, Traoré; Xhaka, Zuffi; Bjarnason, Delgado, Steffen; Doumbia.

Arsenal: Ospina; Gabriel, Koscielny, Mustafi, Gibbs; Elneny, Xhaka; Ramsey, Özil, Alexis Sánchez; Giroud.

Kooxda Paris Saint-Germain oo caawa marti loo yahay waxaa ganaax kaga maqan Marco Verratti, halka xiddigaha Javier Pastore iyo Rabiot ay ku kala maqan yihiin dhaawacyo jilibka iyo muruqa ah. Haddii ay caawa jaale qaataan waxaa kulanka soo socda ee wareega 16ka ganaax ku maqnaan doona Marquinhos iyo Thiago Motta.

Kooxda reer Bulgraia ee Ludogorets waxaa dhaawac kaga maqan Vitinha kaasoo dhibaato ka qaba jilibka.

Shaxda Macquulk Ah Ee Paris v Ludogorets

Paris St Germain: Aréola; Aurier, Marquinhos, Thiago Silva, Maxwell; Thiago Motta, Krychowiak, Matuidi; Lucas, Cavani, Di María.

Ludogorets: Stoyanov, Cicinho, Moţi, Palomino, Nataniel; Dyakov, Anicet; Marcelinho, Wanderson, Cafú; Keșerü.