Howlagallo ka Dhan Ah AL Shabaab Oo Ka socda Buur-dhuubo

3
285

Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo waxaa ka socda Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ay sameynayaan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Amniga Degmada Buur-dhuubo Aadan Maxamed Axmed (Aadan Cade) ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidoo kalena lagu furayo wadooyinka qaar ee ay xireen Shabaabka.

Waxa uu sheegay Howlgalladan in ay yihiin kuwa Shabaabka looga soo qaaday Afarta dhinac ee Degmada iyo Degaanada hoostaga, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka.

Al-shabaab ayaa ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka, waxaana mararka qaar ay weeraro ka geystaan fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada Dalka.

 

Comments are closed.