Kursi uu muran badan ka taagnaa oo lagu guuleystay doorashada ka socota Cadaado

0
249

Doorashada Aqalka hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku soo baxay Cali Axmed Shariif oo loo yaqaan (Cali Yare).

Cali yare ayaa la tartamaayay Musharax C/risaaq Maxamed Axmed oo ku sugnaa madasha doorashada, laakiin C/risaaq ayaa tanaasulay.

Cali waxaa uu helay codad gaaraya 49 cod ergadii codeynaysay ee gaareysa 51 ruux.

Waxaa madasha Doorashada ka maqnaa 1. C/raxmaan Xasan Cilmi (Cowle) iyo 2. Salaad Cilmi Axmed.

Cali Yare oo ka soo jeeda Beesha Shiikhaal Loobage Caagane ayaa ku soo baxay Kursigaan Aqalka hoose, balse muddooyinkii dambe muran adag ayaa ka taagnaa.