Madaxwaynihii Kuuriyada Koonfureed Oo Xilkii Laga Xayuubiyay

0
240

­Xildhibaanada  Koonfurta  Kuuriya  ayaa  xilkii  ka xayuubiyay madaxwayne Park Geun­hye oo jahwareer badan uu haystay

Marka  la  fiiriyo  tirada  badan  ee  xildhibaanada  ah  ee  u  codeeyay  in  xilka  laga qaado waxay cadayn u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ay ka qaybqaateen kalsooni kala noqoshadeeda. Park xilkeedii wuxuu ku wareegayaa Ra’iisul wasaare Hwang Kyo­ahn. Kumanaan  dad  ah  oo  caraysan  ayaa  jooga  banaanka  dhismaha  baarlamaaanka iyaga oo doonayay in xilka laga qaado madaxwaynaha. Park  ayaa  wajahaysay  fadeexad  siyaasadeed  oo  horseeday  mudaaharaaadyo badan. Fadeexaddaasi waxay salka ku haysaa gabar ay saaxiibo yihiin madaxwaynaha oo la sheegay in ay kalsoonidaas u adeegsatay in ay dano gaar ah ku fushato.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Park ay door ku leedahay musuqmaasuqa ay samaysay saaxiibadeed, laakiin way diiday eedaymahaas. Waxaa kale oo ay ka dhago adaygtay baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadanaa in ay xilka iska casisho.