Madaxweynaha Khaatumo Oo sheegay waxa Hor-taagan inay ku Biiraan Soomaaliland

0
190

Madaxweynaha Khaatumo,Cali Khalif Galaydh wuxuu sheegay Soomaaliland inay ku biiri doonan haddii ay badallan dastuurka,sida uu ku sheegay madaxweynaha maamulka khaatumo

Wuxuu tilmaamay dastuurka inta uu jiro inan laga maamulli doonin Hargeysa oo xarun u ah Soomaaliland.

“Dastuurkooda inta uu jiro waxaan holineyno ma aha inan ka mid noqono Soomaaliland,laakin haddii ay diyaar u yihiin inay badalaan intii ay doonto ha qaadato,”ayuu yiri Galaydh.

Madaxweynaha Khaatumo,wuxuu muujiyay sida uu go’aani goosad ugu taageerrayo Soomaaliland,haddii ay is-afgartan,isagoo marka sheegay midnimada inay ka doorbidayaan danahooda oo aysan jirin midnimo ay ka sugaan Muqdisho,sida uu sheegay.

Mar uu ka hadalayay Puntland,wuxuu sheegay inaysan jirin wax ay u qabteen,sabab ay isugu dari doonana aysan jirin.

Ma jiro wax natiijo muuqato ah oo ka soo baxay wada-hadallada u socda Khatuumo iyo Soomaaliland,laakin xukuumadda Soomaaliland waxaa ay ku sheegtay dhulka Khaatumo inuu ka tirsan-yahay maamulkooda.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ma aqoonsana maamulka Khaatumo,sidoo kale dowladda waxaa ay diidan-tahay Soomaalilad inay goosato.