Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

0
520

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa leh micno badan, waxaana magaaladaasi kaga horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid  iyo musharax C/raxmaan C.shakuur Warsame.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay olalaha doorashada ee sanadkaan, waxaana magaaladaasi ka imaanaya xildhibaano badan.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa dhankiisa maalin ka hor kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo in loo baahan yahay isbadal dhanka hogaanka ah, waxaana safarkaan uu u muuqdaa mid jawaab ah.

Magaalada Kismaayo oo lagu soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa marar kala duwan tagay musharixiin sanadkaan doonaya xilka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmaa xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo madaxda maamulkaasi.