Madaxweyne Xasan oo Safar aan la Shaacin maanta ku tagaya Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa Oo La Helay

0
261

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manata lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ku tago safar aan horey loo sii shaacin.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha iyo xubno kale oo la socda ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo halkaas ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo xubnaha labada aqal ee lagu doortay magaalada Kismaayo.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid uu Madaxweynaha Jubbaland uu kaga dalbanayo in uu ku saxiixo Liiska Xildhibaanada labada aqal ee lagu doortay magaalada Kismaayo, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday in uu saxiixo Liiskaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ololhiisa doorashada iyo sidii uu mar kale kusoo laaban lahaa u tagaya magaalada Kismaayo, waxaana laga yaabaa in uu la kulmo Xildhibaanada labada Aqal si uu codkooda u kasbado.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isna ah Musharax Madaxweyne ayaa maalmo kahor gaaray magaalada Kismaayo, waxa uuna halkaasi ka sameeyay olole doorasho, R/Wasaaraha ayaana eedeyn u jeediyay Madaxweynaha mar uu la kulmay labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay.

Safarka maanta uu ku tagayo Xasan Sheekh Kismaayo ayaa lagu micmneeyay mid jawaab u ah Safarkii R/Wasaaraha ku tagya Kismaayo, waxaana soo baxaya in Madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha labada Aqal qaar badan oo kamid ah ay taageersan yihiin Musharaxnimada R/Wasaare Cumar Cabdirsahiid.