MIDNA FASAX MIDNA SOO CELI: Arsenal oo loogu baaqay in ay ceyriso Ozil

0
324

arsenal-v-cd-guadalajara

(London) 08 Dis 2016. Arsenal waa in ay fasaxdaa Mezut Ozil oo ay ku badashaa Jack Wilshere, kaas oo iminka amah kula jooga Bournemouth.

Taasi waa aragtida tababbarihii hore ee Chelsea Ray Wilkins, kaas oo aaminsan in laacibka khadka dhexe uu leeyahay wax walba oo uu uga fiicnan katro 11-ka wiilka u wata Arsenal.

Arsenal waxa ay mushaakil kala kulmeysa midkii ay ahmiyada kan kale ka siin lahayn marka ay timaado Ozil iyo Sanchez maadama ay xaalad adag oo qandaraasyadooda ah wajahayso, laakiin taasi wey u caddahay Wilkins.

“Sanchez ayaan haysan karaa maalinta oo dhan,’ ayuu Wilkins u sheegat talkSPORT . ‘Waxaan keenayaaa Wilshere aniga oo fasaxaya Ozil.

‘Waxaan qabaa in Wilshere uu ku raaxeysanayo Bournemouth. Dhabtii toddobaadkii yimaada iyo kii tagaba wuu ciyaarayaa waadna arki kartaa horumarada uu sameenayo.

“Wuu ka gudbay mushkiladiihii dhaawac ee hore hareeyey.

“Waxaan qabaa in Jack uu u dhigmi doono Ozil, hadii uusan ka fiicnaaneyn”.

 

ray-wilkins-leaves-court