Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

0
209

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaal Culus  oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab uu ka dhacay Tuulooyin hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Weerar ay ku qaadeen Tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo Hoosyimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaan la ogeyn Khasaaraha uu dhaliyay.

Goobjoogeyaal ku sugan Degmada Qoryooley ayaa sheegay in Dagaalka si weyn looga maqlayay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Tuulooyin hoosyimada degmada Qoryooley.