Munaasabada Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal oo goordhaw ka bilaabatay Muqdisho

0
225

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Iskool Buluusiya ka bilaabatay munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada Aqalka hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa hoolka ay ka socoto waxaa ku sugan Xildhibaano badan oo katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaa sidoo kale hoolka ku sugan masuuliyiin kale oo dowlada katirsan iyo marti sharaf kala duwan .

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in goordhaw si rasmi ah loo dhaariyo , waxaana dhaarinta kadib Xildhibaanada ay isku diyaarin doonaan gudasha waajibaadkooda ay ugu horeyso doorashada Gudoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha.

Amaanka xarunta Iskool buluusiya iyo qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, ciidamada amaanka ayaana xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa kas baxa Xarunta ay ka socoto Munaasabada dhaarinta.

LA SOCO WARARKENA DANBE INSHA ALLAH