Muran Dhexmaray Wiil Iyo Adeerkii Oo Sababay Dhimashada 30 Ruux.

0
280

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay dagaal ku dhex maray miliishiyobeeleed iyo  ciidanka  amaanka,  Jamhuuriyadda  Dimoqaraadiga  ee  Koongo, horraantii todobaadkan.

 

 

Saraakiil ayaa sheegaysa in dagaalku uu ka dhacay gobolka badhtamaha ee Kasai, kaasoo ka dhashay muran dhex maray nin iyo wiil uu adeer u ahaa oo ku murmay darajada hogaanka dhaqanka,

 

 

Badhasaab­ku­xigeenka  gobolka,  Hubert  Mbingho  N’Vula,  ayaa  sheegay  in  13 askari oo ka mid ah askar loo diray inay xiisadda dejiyaan ay ka mid yihiin dadka dhintay. Wuxuu kaloo sheegay in 18 miliishiyo­beeleed ay iyagana dhinteen. Mr  N’Vula wuxuu  sheegay  in  kala  dambayntii  lagu  soo  celiyey  gudaha  iyo hareeraha magaalada Tshikapa ee ku taalla gobolkaas durugsan. Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga  ee  Koongo  ayaa  waxaa  ku  soo  noqnoqda  dagaallo  dhex  mara maleeshiyo­beeleedyo