Mustaqbalka Donald Trump oo la saadaalinayo inuu mugdi ku jiro

0
279

Caalimka caanka ah reer Maraykan ee ku takhasusay cilmiga taariikhda, Prof. Alan Lichtman ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka uusan dhameysan doonin xiligiisa afarta sano ee ugu horeysa shaqadana laga eryi doono.

Prof. Alan Lichtman ayaa horey u saadaaliyay in Donald Trump uu noqon doono Madaxweynaha Maraykanka intii lagu guda jiray ololalaha doorashada Maraykanka oo dadka badankiisa ay aaminsanayeen iney soo bixi doonto Hilarry Clinton oo aheyd haweeneydii la tartameysay.

Prof. Lichtman waxa uu markaan saadaalinayaa in Donald Trump uu mooshin ka keeni doono xisbigiisa Jamhuuriga lana casili doono, taladana uu sii qaban doono ku-xigeenkiisa Mike Pence.

Ma aha Prof. Lichtman qofka keliya ee saadaaliyay casilaadda Donald Trump, waxase sidoo kale saadaaliyay qoraaga weyn ee David Brooks oo saadaashiisa ku qoray Jariidadda New York Times cadadkeedii soo baxay 11-kii Nofeembar, 2016.

Brooks isagu waxaaba uu leeyahay: “Trump waxaa la casilayaa sanadka 2017”.

Labadan caalim ayaa sheegay in Donald Trump uusan la jaan-qaadi Karin siyaasadaha mudada dheer soo jirtay ee Maraykanku u dejiyey inuu ku maamulo caalamka sidaas awgeedna ay arintaas sababi doonto inuu xilkiisa waayo.

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump uu jabiyay siyaasad Mareykanka u degsaneyd tobannaan sano kaddib markii uu la hadlay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, taasoo horseedi karto khilaaf ballaaran oo diblumaasiyadeed oo Shiinaha iyo Maraykanka dhexmara.

Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in uu soo wacay Madaxweyne Tsai Ing-wen.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan inay qeyb ka tahay dhulkiisa, tallaaba kasta oo uu Mareykanka dhankaas u qaadana waxaa loo arki karaa inuu taageero u fidinayo madaxbanaanida Taiwan, taasoo si weyn u xumeyn karta xiriirka labada dal.

Mareykanka ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sanadkii 1979 oo laga joogo ku dhawaad 40 sano waxaana uu qaatay waxa loogu yeero siyaasadda Shiinaha si loo ilaaliyo in xiriirka labada dal uu xumaado.