R/wasaaraha oo la Kulmaya xubnaha Labada Aqal ee Jubbaland

0
318

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa haatan waxaa uu kulan kula leeyahay Magaalada Kismaayo Xubnaha Labada Aqal ee laga soo doortay Degaanada Jubbaland.

Cumar C/Rashiid ayaa mudanayaasha kala hadlaya arrimaha Doorashooyinka Dalka Soomaaliya iyo sidii ay waajibaadkooda Shaqo ugu gudan lahaayeen si habsami leh.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudanayaasha kala hadlaya in ay codkooda ku badbaadiyaan Dalka maaddaama ay dhowaan dhacayso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.