Sawir Muujinaya In Daafaca Ugu Fiican Ilaa Iyo Haatan Horyaalka Ingiriiska Virgil van Dijk Uu Kusii Jeedo Manchester City

0
256

 

Miyuu Virgil van Dijk isku dayayaa inuu wax noo sheego? Daafaca qaranka Holland iyo kooxda Southampton ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxdiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, balse waxaa si hordhac ah loogu arkay maaliyadda Manchester City.

Inkastoo tababare Claude Puel uu meesha ka saaray suuragalnimada ah inuu xidigaan ka tagayo kooxda madama ay doonayaan kooxo waaweyn sida, Liverpool, City iyo Paris Saint Germain sidoo kalana si ba’an ayaa loola xiriirinayaa kooxda Pep Guardiola.

 

Inkastoo aysan u muuqan wax uu si ula kac ah u sameeyay ama ugu tala galay inuu ku muujiyo halka uu kusii jeedo hadana waa hadiyad uu ka helay asxaabtiisa kuwaas oo u dabaal dagayay Ciida Masiixiga.

Jose Fonte oo ah kabtanka Southampton ayaa sawirka soo galiyay bartiisa Instagram-ka waxaana sidoo kale ka muuqda cyiaartoy badan oo Saint ah, balse ujeedka ugu weyn ee uu sawirkaan macno u yeeshay waa Viorgil van Dijk oo xiran maaliyadda Manchester City.