Soomaaliya Oo Ku Goodisay In Ay Mar Kale Xanibayso Qaadka Ka Yimaada Kenya

0
224

Soomaaliya ayaa markale ku hanjabtay  in ay xanibayso qaadka ka yimaada Kenya ka dib markii ay Kenya iska dhega tirtay in ay fuliso heshiiskii ahaa in la isku furo duulimaadyada ka yimaada muqdisho ee tagaNairobi.

Mogadishu ayaa xanibaadii ka qaaday qaadka ka yimaada Kenya bishii September ka dib markii lagu heshiiyay in la isku furo duulimaadyada labada Magaalo ee Mogadishu iyo Nairobi marka la gaaro December 13, 2016, balse heshiiskaas ma hirgelin.

Isbuucii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan dowladda feederaalka ayaa Kenya ku eedeeyay in ay ka aamustay heshiiskii ahaa in la joojiyo in lasii maro Wajir oo si toos ah ay duulimaadyada muqdishi u tagaan Nairobi.

“Somalia iyo Kenya waxa ay isku raaceen in la fududeeyo xanibaada maxaa  yeelay  labada garoon  ee Nairobi iyo muqdisho waa lagu hubin karaa ammaanka ka hor inta aan la gelin” ayuu u sheegay Sunday nation sarkaal ka tirsan laanta socdaalka.

“ taasi ma dhicin intii lagu jiray saddexdii bilood ee lagu heshiiyay. Sidaa darted taasi micnaheedu waa in Kenya aysan ka go’neen dhammaan wixi lagu heshiiyay. Anaguna dib ayaan u xanibi doonaa” ayuu yiri sargaalkan.

Kenya ayaa sheegtay in arrintaan baaritaanka ay ugo golleedahay in ay hubiso ammaanka dhammaan rakaabka iyo xamuulka saran diyaaradaha ka hor inta aysan gelin Nairobi, waxa ayna diyaaraduhu si maraan wajir  oo si xooggan loogu baaro, balse  soomaaliya ayaa ku doodaysa in ammaanka dadka dhoofayo si wanaagsan loogu hubiyo muqdisho, waxa ayna sheegeen in garoonka muqdisho uu yahay mid aammaan ah oo la hubiyay dadaka ka dhoofaya.

Soomaaliya ayaa bishii September ee sanadkan xanibaad ku soo rogtay qaadkii ka imaan jiray Narobi ka dib markii ay dowlada soomaaliya ku eedaysay duqa magaalada Meru Peter Munya uu heshiis  ganacsi  u raadiyay maamulka Somaliland.