Taliska AMISOM oo sheegay in ay la’yihiin askari ka tirsanaa ciidamadooda

0
211

Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa xaqiijiyay in ay la’yihiin meel uu ku danbeeyay mid ka mid ah askartooda oo ka howlgali jiray gobolka Sh/hoose.

Qoraal AMISOM ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in askariga laga waayay saldhig ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose, maalintii shalay saddeedii subaxnimo.

Warkan ka soo baxay taliska howlgalka midowga Africa ayaa lagu sheegay in markii la ogaaday in askarigan maqan yahay koox baarayaal ah dib u raaceen raadkiisa, ilaa 3km meel ka baxsan saldhiga, waxaana ay intaa ku darreen in raadkiisa uu ku dhamaaday dhul howd ah.

Ugu danbeyntii.Gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah deegaannada AMISOM ay kala kulmaan weeraro uga yimaada kooxda Al-shabaab, waxaana marar badan oo hore siddan oo kale la sheegay in la waayay askar ka tirsan AMISOM.