Taliyihii Hore Ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Dalka Kenya

0
314

Maxamuud Maxamed Guuleed oo horey u soo noqday Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkaddii Somali Airlines ayaa ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu ku xanuunsanayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Allaha u naxariistee Geerida General Maxamuud ayaa waxaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay mid ka mid ah Ehelada Marxuumka.

Madaxda Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa ka tacsiyadeyay Geerida ku timid Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed.