Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday magaalo kutaala dalka Mareykanka

0
237

Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay toogasho iyo dilall ay fuliyeen kooxo hubeesan oo iska soo horjeeda intii ay socdeen dabaal dega ciida Krismiska siida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha booliiska ee magaaladaasi.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ugu yaraan toogashada ka dhacday magaaladaasi lagu dilay 11-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan , dadka dhaawacmay ayaa qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo culus.

Toogashadan ayaa booliiska ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen kooxo burcad hubeesan oo iska soo horjeeda, waxaana laga cabsi qabaa toogashada iyo is ugaarsiga ay kooxahaasi isku hayaan ay halkeeda kasii socoto.

Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2016-ka waxaa lagu dilay dad gaaraya 750-qof , waxaana sanadkan lagu tilmaamay kii ugu dhimashda badnaa ee ka dhaca magaaladaasi.