WAR CUSUB: Chelsea oo dooneysa inay weerarkeeda ka wada ciyaarsiiso Diego Costa iyo Alexis Sanchez

0
385

costaa

 Naadiga Chelsea ayaa diyaar u ah inay si lama filaan ah ugu soo dhaqaaqdo dhaliyaha Arsenal Alexis Sanchez haddii uu heshiis cusub u saxiixi waayo Gunners.

Blues ayaa diyaar u ah inay la soo wareegto dhaliyaha reer Chile oo ay waqti dheer la dhacsanayd haddii xal loo heli waayo heshiis kordhintiisa iyadoo ku rajo wayn inay weerarkeeda kula lamaaniso Diego Costa.

Labada weeraryahan ayaa iminka wada hogaaminaya gool dhalinta Premier League iyagoo wada leh min 11-gool.

Image result for Costa vs Sanchez

Kooxda uu hor kacayo tababare Antonio Conte ayaa ka mid ah kooxo waa wayn oo kor kala socda xaalada Sanchez iyo Arsenal.

Weli ma aysan sameyn wax dalab ah laakiin way diiwaan gashan doonaan xiisahooda haddii uu weeraryahanka Arsenal caddeeyo inuusan heshiis cusub u saxiixeyn kooxdiisa.

Chelsea ayaa durba eeganeysa inay heshiis cusub ku abaal mariso Diego Costa sanadka cusub, inay u dhaqaaqdana Sanchez xagaaga soo socda waxay siin kartaa mid ka mid ah weerarka ugu fiican Yurub.

Shalay ayay ahayd markii uu xiddiga reer Chile dalab aad u qaali ah uu kaga yimid dhanka horyaalka Shiinaha.