Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Degmada Qandala Ee Gobolka Bari

0
516

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qandala ee gobolka Bari oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan Kooxda Daacish ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Puntland ay ciidamo dhanka Badda ah ay u dirtay magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Magaalada ayaa Saaka ilaa xalay waxaa ka dhacay duqeyn xoogan oo lala beegsaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Kooxda Daacish.

Puntland ayaa sheegaysa in ay ka hortageyso in Gurmad uu u yimaado Kooxda Daacish ee ku sugan magaalada Qandala.

Ciidamada Dhanka Badda ah ee loo diray Qandala ayaa la sheegaya in ay ka hortagayaan gurmad u yimaada Kooxda .

in ka badan todobaad ayaa ciidanka Puntland  waxa ay kaabiga ku hayaan Magaalada Qandala, walina uma suurta gelin in ay gudaha u galaan Magaalada oo muddo ku dhow 40 maalmood  gacanta ugu jirto Kooxda Daacish.