Warsaxaafadeed:-Madaxweyne Cosoble Oo Guul Taariikhi Ah Ku Tilmaamay Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal Ee Dalka

0
214

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xilka ay la wareegeen Maanta iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda hooyo, waxaana talaabadaasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana gaba gaba ay tahay wadadii looga bixi lahaa kalaguurka, waxaana uu u rajeeyay baarlamaankani 10-aad in uu noqdo mid dadka iyo dalka ay u aayaan.

“Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo baarlamaankani cusub oo noqonaya baarlamaankii 10-aad, waxaa la idiin ka sugaya ayaa ah ka dhabeynta dhaarta aad u dhaarateen dadka,dalka,iyo diinta, horumarinta iyo dejinta shuruucda dalka sida Ansixinta Dastuurka iyo afti u qaadistiisa oo muhiim noo ah, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo codkiisa ah,  sidoo kale waxaan u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waaga cusub ee u baryey” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Dr Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa Ku ammaanay Baarlamaankii hore howshii baaxada laheyd ay soo qabteen waxaana hambalyo iyo bogaadin uu u jeediyay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xilkasnimadii iyo waaya aragnimadii  uu Ku soo hogaamiyay Baarlamaankaasi 9-aad.

———Dhamaad———-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia