Wasiir Diini: “Amniga Dalka waxaa ku filan Ciidamada Xoogga Dalka”

0
362

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku filan yihiin sugidda ammaanka Dalka.

General Diini, oo ka hadlayay Munaasabada tababar uu uga soo xirayay Cutubyo ka mida Ciidanka Xoogga Dalka Magaalada Kismaayo, ayaa intaa raaciyay inaanan loo baahnayn in Ciidamo kale lagu halleeyo sugidda nabad gelyada Dalka iyo dib u dhiskiisa.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Tababarka iyo kaalmooyinka kale ay ka qayb qaadan karaan Ciidamo shisheeye, balse aanay habboonayn, saxna ahayn in Cid kale marti looga noqdo laguna halleeyo dhismaha iyo difaaca Dalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, ayaa dhinaca kale kormeer ku tagay xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Kismaayo iyo xarumaha Talisyada, wuxuuna Saraakiisha iyo Ciidanka kaleba aad ugu boorriyay in ay isku tashtaan oo ayan Dadkooda iyo Dalkooda uga seexan cid kale.