Wax waliba oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato xilliga la qabanayo isku aadka wareegga 16-ka Champions League iyo guud ahaan kooxaha soo baxay?

0
267

1471193282_958143_1471193389_noticia_normal

 Waxaa la soo gabagabeeyey heerka guruubyada Champions League ee xillic iyaareedkan, iyadoo si dhab ah loo xaqiijiyey 16-ka kooxood ee u soo gudbay wareegga 16-ka iyo waliba koox waliba kaalinta ay ku soo baxday kaalinta koowaad ama labaad.

Haddaba waxaad u baahan tahay inaad ogaato xilliga la qabanayo isku aadka wareegga 16-ka Champions League, kooxaha soo baxay iyo kaalimaha ay ku soo baxeen, halka aad kala socon karto isku aadka, dalka lagu qabanayo, saacadda uu isku aadku dhacayo iyo waliba taariikhda la ciyaari doono wareegga 16-ka Champions League marka ay kooxuhu isku aadaan?.

Xogtaas oo dhammaystiran halkaan hoose kala soco:-

Goormee ayaa la qabanayaa isku aadka wareegga 16-ka kooxood ee Champions League?

Waxaa la qaban doonaa isku aadka wareegga 16-ka Champions League maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku aadan tahay 12-ka bisha December sanadka 2016, saacadda geeska Afrika marka ay tahay 2:00 duhurnimo, waxaana lagu qaban doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Halkee ayaad kala socon kartaa isku aadka?

Isku aadka waxaad si toos ah uga daawan kartaa oo baahinaya Sky Sports News iyo beIN Sports, si la mid ah wabsetkeena hiiraanweyn.net

Qaab caynkee ah ayuu isku aadku u shaqeeyaa?

Kooxaha kaalinta koowaad kaga soo baxay guruubyadooda ayaa ku dhacaya kooxaha kaalinta labaad kaga soo baxay guruubyadooda, balse shuuradda ku xiran ayaa ah kooxihii isku guruubka soo ahaa inaysan isku dhici doonin, halka kooxaha isku waddanka ah iyagana la kala leexin doono oo aysan isku adki doonin wareegga 16-ka Champions League.

Sidoo kale waxaad ogtaa in kooxaha ku soo baxay kaalinta koowaad ee guruubkooda ay lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League ku ciyaari doonaan garoonka martida, halka lugta labaad ay ku dheeli doonaan garoonkooda.

16-ka kooxood ee u soo baxay isku aadka Champions League?

Kooxaha kaalinta koowaad ku soo baxay: Arsenal, Napoli, Barcelona, Atletico Madrid, Monaco, Borussia Dortmund, Leicester City, Juventus.

Kooxaha kaalinta labaad ku soo baxay: Paris Saint-Germain, Benfica, Manchester City, Bayern Munich, Bayer Leverkusen, Real Madrid, Porto, Sevilla.

czgtdjlwgaalpb2

Goormee la ciyaarayaa wareegga 16-ka Champions League?

Champions League waxa uu fasax galayaa muddo labo bilood ah,  lugta hore ee wareegga 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 14-ka iyo 15-ka bisha Febraayo & 21-ka iyo 22-ka Febraayo, halka lugta labaad la dheeli doono 7/8 iyo 14/15 bisha Maarso.