10 qof oo lagu gowracay Xabsi Dalka Baraziil

0
476

Sida ay sheegayaan saraakiisha ammaanka dalka Brazil kudhawaad 10 qof ayaa qoorta laga gooyay ka dib markii ay xabsiga ku yaalla Magaalada Natal ee Waqooyi Bari ee dalkaasi ay ku dhex dagaalameen kooxo gaangastaro ah.

Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in xabsiga ay dhibaatadu ka dhacday lagu magacaabo Alcacuz jail.

Dowladda ayaa sheegtay in kooxo Gaangastaro ah oo xabsiga weerar ku soo qaaday iyo sidoo kale Maxaabiistii in ay dagaalameen , islamarkaana ay gowraceen 10 qof.

Qaar ka mid ah kooxihii Gaangastarada ahaa ayaa gacanta lagu dhigay.

Dalka Brazil ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo laablaabnayay isku dhacyada ka dhaca xabsiyada , waxaana bishaan gudaheeda xabsiyada dalkaasi lagu dilay dad ku dhow 100 qof.