{{DAAWO SAWIRADA} Lo’ lagu xabisay Garaashyo ku yaalla Muqdisho oo Gaajo awgeed bilaabay iney is-cunaan

0
192

Dhacdo naxdin iyo amakaag leh ayaa la soo sheegayaa in lagu arkay garaasahyo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo lagu xabisay Lo’ fara badan.

Lo’dan oo qiyaas ahaan gaareysa kun neef ayaa waxaa la sheegay in laga soo celiyey dalka boqortooyada Sacuudiga oo markii hore loo iib geeyey.

Koox isugu jiray weriyeyaal, siyaasiyiin iyo abwaano booqday xeradaas ayaa waxay sheegeen iney halkaas ku soo arkeen xaalad Murugo leh oo laga naxo.

“Intii aan joogney goobtii lagu xareeyay Lo’da waxay indhaheenu qabteen qaarkood oo Gaajo dartood isu cunaya, kuwo ay Naftu ka sii baxeyso iyo kuwo baqtiyay oo dhulka daadsan” ayuu yiri mid ka mid ah weriyeyaashii booqday garaashkaas.

Shirkad laga leeyahay dalka Masar oo lagu Magacaabo Naas-Galoob iyo Soomaali la shaqeysa ayaa la sheegay iney halkaas ku xareeyeen lo’dan la macluuliyey.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrintaan ujeedada laga leeyahay ay tahay in la xumeeyo magaca iyo sumcada Xoolaha Soomaaliya.

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa dadkii ku soo baxay dhibaatada oo’dan loo geystay ayaa sheegay in uusan waligii arkin xoolo maxaabiis ah, isagoo madaxda dowlada ugu baaqay inay dabagal ku sameeyaan sababaha keenay dhacdadan foosha xun.

Lama oga illaa hadda sababta ay ganacsatadii laheyd ay sidan ugu galeen lo’dan iyo ujeedada ay ka lahaayeen iyagoo xitaa haddii laga soo celiyey dalkii loo dhoofiyey awoodi karay iney ku iibiyaan suuqyada xoolaha bedelkii ay macluul iyo gaajo ku dili lahaayeen, taasoo ah arrin naxariis daro ah oo ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.