{AKHRISO} Musharaxiintii u Dambeeyay ee Isdiiwaan Galiyay

0
206

Waxaa weli ka socota Xarunta Vila Hargeysa ee Magaalada Muqdisho Isdiiwaan gelinta Musharaxiinta u Tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiintii u dambeysay ee isdiiwaan gelisa ayaa kala ahaa Bashiir Raage Shiiraar ,Maxamuud Axmed Nuur”Tarsan” ,Maxamed Cali Ameeriko iyo Dr Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle.

Horay waxaa isku Diiwaan geliyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed,C/qaadir Cosoble Cali,C/rashiid Cali Sharmaake iyo Maxamuud Maxamed Culusow.

Waxaa jira Musharaxiin kale  oo aan weli Isdiiwaan gelin,iyadoo Isdiiwaan gelinta ay ku Egtahay 29-ka Bishaan oo ku beegan Berri oo Axad ah.