Al Shabaab oo weeraray ciidammada Kenya ee degan Kulbiyoow

0
219

Ururka Al Shabaab ayaa weeraray xero milateri oo ciidammada Kenya ay dagan yihiin oo ku taalla magaalada Kulbiyoow.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen ciidammada dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya Paul Njuguna ayaa diiday sheegashada Al shabaab laakiin ma uusan sheegin baaaxadda ay la egtahay dhibaatada soo gaartay.

Wuxuu intaas ku daray in uu hawlgalku wali socdo

Al Shabaab ayaase sheegay in ay xayndaabkii xerada ku jabiyeen baabuur ay qaraxyo ku soo rakibeen ka dibna ay weerar ku ekeeyeen.

Ciidammada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa ka mid ah ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM.