Askari Degmada Wadajir ku dilay Nin Watay Mooto Bajaaj

0
231

Askari ku labisan Tuutaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Saaka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin watay Mooto Bajaaj.

Ninka Dilka geystay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdi dhiblaawe,waxaana aan la ogeyn Sababta uu u dilay Ninka Mootada wadaha ka ahaa.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Askariga Dilka geystay uu ku amray Ninka la dilay ee Mootada watay inuu horay u sii qaaado,markii uu diidayna uu Xabad ku dhuftay.