Ciidamada AMISOM oo xoojineysa Howlgalka Ay Kawado Soomaaliya

0
198

Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa uu sheegay in uu xoohinayo Howlgalka AMISOM Soomaaliya, kadib booqasho Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda Gen. Katumba Wamala uu ku tagay Shabeelaha Hoose.

Gen. Katumba Wamala Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda oo ay wehliyaan saraakiil AMISOM ah iyo kuwo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ayaa si gaar ah u booqday Degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu kormeer gaar ah ku sameeyay Difaacyada iyo saldhigyada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan kuwa Uganda.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan booqasho ku imaado Degmada Baraawe oo Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM Bishii October 2014-kii ay ka xoreeyeen Shabaab, ujeedkeygana waxa uu yahay sidii aan u soo kormeeri lahaa Difaacyada Ciidamada” Ayuu yiri Gen. Katumba.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa waxa uu dhiiragelin u sameeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu kula dar daarmay in ay xoojiyaan Howlgalka lagula dagaalamayo Shabaab.

Ugu dambeyntii Gen. Katumba Wamala Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ayaa sheegay AMISOM marka ay ka baxaan Soomaaliya amniga in guud in ay la wareegi doonaan Ciidanka Xoogga oo hada sameynaya diyaar garow buuxa.