Ciidamada Senegal ayaa yimid xudduuda Gambia si cadaadis loo saaro madaxweyne Yahya Jammeh

0
262

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika au talaabo qaadi doonaan Gambia haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay imaadeen xudduuda Gambia.

Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka. Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan talaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Mr Jammeh ayaa diiday inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal.

Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga soo bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah.

 

MAAP CIIDAMA SINIGAAL