Ciidanka dowladda Soomaaliya oo la wareegay degaanka Mooro gaabeey

0
235

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay degaanka Mooro gaabeey oo qiyaastii 30 KM u jirta degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya degaankaasi waxa ay kula wareegeen dagaal la’aan.

Jeneraal Xasan Baydhabo oo Ciidamadaasi hogaaminayay ayaa Wakaalada Wararka ee SONNA  u sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaasi, isagoo xaqiijiyay in Ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen degaanka Mooro-gaabeey oo istiraatiiji u ah howlgallada Ciidamada dowladda.

Jeneraal Xasan Baydhabo ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka Mooro gaabeey ciidanka dowladda Soomaaliya.