{DAAWO MUQAALKA} Booqashadii Micheal Keating ee Magaalada Beledweyne

0
241

Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating oo maanta socdaalka ku tagay magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan la qaatay, madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo ururada bulshada rayidka.

Gaar ahaan Micheal Keating ayaa kulan warbaahinta dibad joog ka aheyd la yeeshay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo aan faah faahin badan laga heyn dhab ahaan wax yaabaha ay ka wada hadleen.

Hasse ahaatee, ilo xog ogaal ah oo kulanka ku dhaw dhaw ayaa inoo sheegay in Micheal Keating iyo Ugaas Xassan isla soo qaateen siyaasada ku wajahan dhismaha maamulka Hirshabeelle oo siweyn uu uga biyo diidaan Ugaaska iyo arimo la xiriira abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobolka.