{DAAWO SAWIRADA} Ciidamo ka yimid dal ku yaalla galbeedka Afrika oo Muqdisho laga sagootiyey

0
255

Midowga Afrika ayaa munaasabad sagootin ah u sameeyay Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Nigeria ka howlgalayay Muqdisho kana tirsanaa AMISOM.

Munaasabadan oo ka dhacday Garoonka Kubbadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Shiikh Xasan Xaamud, ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika Ludiya wanyoto Mutende iyo Saraakiil kale.

Jen. Maxamed Xasan Xaamud ayaa u mahadceliyay Ciidamada Nigeria ee AMISOM, isagoo bogaadiyay howlihii adkaa ee ay ka qabteen muddadii sanadka ahayd ee ay dalka joogeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Anand Pillay ayaa sheegay in Ciidamadan haatan la sagootinayo ay shaqa wacan ka qabteen dalka Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey qaabkii ay howlgaladooda u fulin jireen iyo tababaradii ay siiyeen Booliska Somalia.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika Haweeneyda lagu Magacaabo Ludiya Wanyoto Mutende ayaa sheegtay in ciidamadan ay qeyb libaax leh ka qaateen amaanka Muqdisho si hufana ula shaqeeyeen booliska Somalia, waxayna uga mahad celisay shaqadooda.

Ciidamada Booliiska ee Maanta u ambabaxayay dalkooda Nigeria oo boqolaal gaaraya ayaa waxa soo bedelaya ciidamo kale oo ka socda isla wadankaas kuwaasoo buuxin doona kaalintooda.