{DAAWO SAWIRADA}:.Dalkii Marti Galiyay Koobka Qaramada Africa oo la reebay isaga oon laga badin & Laaciibiin ilmeeyay

0
231

Laacibiinta xulka Qaranka Gabon ayaa garoonka dhexdiisa ku ilmeeyay ka dib markii ay wareega hore kaga hareen Koobka Qaramada Africa oo sanadkaan dalkooda lagu qabtay .

Gaboon ayaa bareejo 0-0 ah waxeey la galeen xulka Cameroon oo 5-dhibcood watay taas oo ka dhigan inay tartanka koobka ka hareen maadaama xulka Burkino Faso oo isna kaalinta koowaad ku soo baxay uu u soo gudbay wareega sideeda .

Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay xulka Qaranka Gabon oo 3 kulan ciyaaray koobka Qaramada Africa ayaanan wali laga badin waxeeyna sadexdaas kulan dhamaatood ´galeen bareejo . Gaboon oo ku jirtay Group (A) ayaa 3 dhibcood wadatay waxaana min 5-dhibcood guruubkaan uga soo baxay xulalka Cameroon iyo Burkino Faso halka Guinea Bissau ka yeelatay hal dhibic oo kaliyah .

Ilaa hada waxaa koobka Qaramada Africa ee African Cup of Nation 2017 ugu ad adag waliba min 6-dhibcood ku soo baxay dalalka Ghana iyo Senegal , balse waxeey xaalada ku xumaatay wadamada Carabta ah ee kala ah Aljeeriya , Masar , Marooko iyo Tunisia .