{DAAWO SAWIRADA} Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee ka dhacaay gobolka Hiiraan Sanadkii tagaay ee 2016

0
615

 

 

     

         DHACDOOYINKII KA DHACAY GOBOLKA HIIRAAN  2016 

Gobolka Hiiraan sanadkii tagay 2016-ka waxaa uu ahaa sanad ku asteysay dhacdooyin siyaasadeed, weerarro iyo masiibooyin dabiici oo dhamaantood marka la eego saameyntooda lahaa.

 

03 dii bishii Janaayo, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne si lama filaan ah ugu geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Ugaas Khaliif, kadib xanuun dhinaca wadnaha ah oo la soo darsay xili uu ku sugnaa shirka Samadoon II oo waqtigaa looga hadlayay Aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

29kii January Sanadkii  2016,7 Sano Kaddib Sanadkii la so dhafay ee 2016 ayaa waxaa Magalada  Bula Burde ee Gobolka hiiraan Laga Hirgaliyay Idaacad Madax Banaan Taas oo lagu magacaabo Radio hiranweyn Xarunteeda labaad

Furitaanka Radio Hiranweyn dagmada Bullo burte Ee Gobolka Hiran (8) Furitaanka Radio Hiranweyn dagmada Bullo burte Ee Gobolka Hiran (2)

18kii bishii Feberaayo, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, kulankaa oo ugu danbeyntii guul-daro ku soo dhamaaday, kaddib markii Ugaaska uu sharuud ku xiray dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

22kii bishii Maarso, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne socdaal ku mid ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, waxaana ujeedada socdaalka ra’iisal wasaaraha lagu micneeyay xal u helida khilaafkii waqtigaa ka taagnaa dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

25kii bishii Maarso, sanadkii 2016ka, Waxaa mar kale yimid magaalada oo ku soo laabtay madaxweyne Xassan Sheekh oo wada hadal dheer kadib ku guuleystay in qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan uu ku qanciyo ka qeyb-galka shirkii Jowhar.

Madaxwenaha Somaliya Oo Lakulmay Bulshada Baladweyne (4)Madaxwenaha Somaliya Oo Lakulmay Bulshada Baladweyne (6)

 

4tii April sanadkii 2016 Idaacada hiiraanweyn ayaa u dabaaldagtay sanadguuradii 3 Aad ee aas aaskii Ka so waregatay markii dhidibada lo aasay  Warbaahinta hiiraanweyn oo ah warbaahinta ugu afka dheer Warbaahinada Soomaalida,

MUNAASABADA SANAD GUURADA 3 AAD  (13) MUNAASABADA SANAD GUURADA 3 AAD  (22) MUNAASABADA SANAD GUURADA 3 AAD  (7)

24 kii, bishii May, sanadkii 2016ka,  Wabiga Shabeelle, ayaa sameeyay fatahaadii ugu cusleyd taariikhada inta la xasuusto,  iyadoo dhamaanba magaalada ay maasheeyeen biyo ka soo rogmaday wabiga oo sababay in ay barakacaan kumanaan qoysas ah.

sawiradii-sanadkan-ugu-yaabka-badnaa-caalamka-1-12

29 kii, bishii May, sanadkii 2016ka, Dowlada jabuuti ayaa deeq raashin ah u qeybisay dadkii ay saameyeen fataahadii ku dhufatay magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan kuwaas oo ku barakacay deegaanka ceeljaale ee Duleedka baladweyne,

DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (3) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (5) DEEQ RAASHIN AH OO JABUUTI AY U QEYBIYAAN  (8)

09 kii, bishii Juun, sanadkii 2016ka, Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaan dagaalkaa ku dhintay tiro ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray dhicyadii iska horimaadku dhaxmaray.

dagmada halgan Ee Gobolka hiiraanciidamada itoopiya ee halgan  (4)

12kii bishii July, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray wafdi sare oo ka socday urur gobolleedka IGAD oo kulamo fashil ku dhamaaday la yeeshay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, laakiin waqtigaa leyskuma afgaran.

21kii  July Sanadkii 2016 Tartan Aqooneedkii Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa Abaalmarino lagu bixiyay kadib markii u socday mudo bil ah gaar ahaan Bishii barakeysneed ee Ramadaan, warbaahinta hiiraanweyn ayaa qabatay  sanadkii 4 Aad oo xiriir ah .waxana ku tartamayay arday ka kala timid xafadaha magalada baladweyne,Gabagabadii tartanka waxaa abaalmarinada Gacan ka siyay warbaahinta hiranweyn Shirkada Isgaarsiinta hormuud Iyo Ururka dhalinyarada Gobolka,

tartan-aqooneydka bisha ramadan (53) tartan-aqooneydka bisha ramadan (31) tartan-aqooneydka bisha ramadan (38) tartan-aqooneydka bisha ramadan (10)

25kii July, sanadkii 2016ka, Munasabad ay ka soo qeyb-galeen boqolaal wufuud ah oo isaga kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa Waxaana dadkii xiligaas Baladweyne sogaaray Kamid ah Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Cabdi Risaaq Cumar Maxamed Iyo ku xigeenka Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya ,waxaa lagu caleemo saaray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, oo ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya.

CALEEMA SAARKA UGAASKAWASIIRKA AMNIGA SOOMAALIYA OO KA QEY GALAY CALEEMA SAARKA UGAAS XASAN UGAAS KHALIIF (2)

 

11 kii August Sanadkii 2016 Dowlada wadanka itoopiya ayaa kaalmo ka timid wadankeeda soo gaarsisay dadkii ay sida weyn u saameysay fatahada wabiga shabelle ee ku dhufatay baladweyne bishii may ee sanadkii 2016 waxana deeqdaas ka gudoomay maamulka dagmada Baladweyne Iyo Ugaas xasan ugaas khaliif .

DEEQ KATIMID ITOOPIYA OO BALADWEYNE LA SO GAARSIYAY  (7)DEEQ KA TIMID DOWLADA ITOOPIYA  (10)DEEQ KA TIMID DOWLADA ITOOPIYA  (4)

16kii, September, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ay ka wada hadleen geedi socodka siyaasada Soomaaliya.iyagoona ku hungoobay aragtidii ay baladweyne la yimideen siyaasiyiinta ,

siyaasiyiin-soo-gaaray-beledweyn-9

02dii bishii October, sanadkii 2016ka, Waxaa safar ku yimid magaalada Beledweyne ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo la shiray maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada.

maxamed-cumar-carte-qaalib-5maxamed-cumar-carte-qaalib-8

 

 

10kii, bisii October, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne lagu ansixiyay dastuur uu yeelanayo maamulka lagu magacaabo Hiiraan State kaas oo aan lo meel dayin ku dhawaaqistiisa.waxana  waqtigaa duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan uga dhawaaqeen dhismiisa magaalada Beledweyne.

Kulan 3Kulanka 2

12kii, October, ee sanadkii 2016ka, Xoogagga Al-shabaab ayaa deegaanka CeelCali ee gobolka Hiiraan ku gowracay dad rayid ah oo isugu jiray odayaal iyo ganacsato kadib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamada dowladda.

ceel-cali-2

17kii October, sanadkii 2016ka, Waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe Cali C/llaahi Cosoble. kaas oo ay dadka reer baladweyne qaarkood ka so horjeedeen dhismaha maamulkaas,

hirshabele4

 

20 kii October, sanadkii 2016ka waxaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan Si diiran logu so dhaweyay madaxweynaha  maamulka hirshabelle Cali cabdulaahi cosoble oo maalin u hayay xilka madaxweynenimada maamulka ,kaaso oo baladweyne u yimid sidii uu uga dhaadhicin lahaa ugaas xasan ugaas khaliif in uu taageero maamulka balse ugaas xasan ayaa ku gacan seray taageerada maamulka hirshabelle,

so-dhaweyntii-cali-cabdulaahi-cosoble-24

25kii October, ee sanadki 2016ka, Weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xerada Jabuuti xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana weerarkaa ku dhintay labo askari oo ka tirsanaa ciidammada Jabuuti iyo dad shacab ah.

qarax

26kii, October, ee sanadkii 2016ka, Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana xilkaa loo soo magacaabay Cali Jeynte Cismaan oo hadda ah guddoomiyaha gobolka.

dabaged-1cali-jeeyte-cismaan-gudoomiyaha-gobolka-hiiraan

10 December Ee Sanadkii 2016 Dad ka sobarakacay Gobolada Waqooyi ee soomaaliya iyo Gobolada mudug iyo galgaduud ayaa gaaray dagmada maxaas Ee Gobolka hiiraan halkaas oo ay siwanaagsan uga da een robabkii deyrta,

26kii December Sanadkii 2016 Dagaal beeleedyo mudo ka socday Magaalada baladweyne iyo degaanada hoos yimaado  ayaa lagu guuleysatay in heshiis laga gaaro kadib wadahadalo mudo dheer qaatay ,oo u dhaxeyay labada dhinac ee dagaalamay iyo Waxgarad iyo Maamulka Gobolka hiiraan

dagaalkii-baladweyne-oo-laga-heshiyay-10dagaalkii-baladweyne-oo-laga-heshiyay-3dagaalkii baladweyne  (14)

inkastoo diyaarinta dhacdooyinka sanadkii tagay ee 2016  ay nagu qaadatay waqti badan hadane waxaan idin so Bandhignay qeybahii aan isdhahnay waa kuwa ugu muhiimsan dhacdooyinkii sanadkii tagay

 

Diyaarintii Kooxda Hiiraanweyn 

Baladweyne Hiiraan Soomaaliya