{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Booqday Dadka Uu Soo Ritay Cudurka Shuban-Biyoodka

0
438

Xubno Kamid Ah Maamulka Gobolka Hiiraan Kan Degmada Baledweyn Ayaa Manta Kormeeray Goobaha Ay Yaalan Dadka Uu So Ritay Cudurka Shuban-Biyoodka Oo Ka Dilaacay Xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Isbitaalka Samsam Ayaa Kamid Ah Goobaha Uu Tagay Gudoomiyaha Maamulka GobolkaHiiraan Cali Jeeyte Cismaan Waxaana Uu Ugu Horeeyn Faah Faahin Ka Siiyey Mid Kamid Ah Howl Wadeenada Isbitaalaalkaas.

Waxa Uu Tilmaamay In Sadaxdii Maalmood Ee Lasoo Dhaafay Isbitaalka La Geeyey Bukaano Kor U dhaafayo Ilaa 50 Kuwaas Oo Dhamaantood Sheekey In Ay Qabeen Cudurka Shubanka.

Gudoomiyaha Degmada Baledweyn Maxamed Macalin Qalaafow Ayaa Ugu Baaqay Haay’adaha Gobolka Hiiraan In Ay Caawiyaan Dadka La Dhiban Cudurka Shuban-Biyoodka Waxa Uuna Si Gaar Ah Fariin Ugu Diray Wasaarada Caafimaadka Dowlada Soomaaliye.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan Ayaa Sheegey In Maamulka Gobolka Hiiraan Uu Tlaabo Ka Qaade Doono Cidee Lagu Helo Ayadoo Musqulahooda Ay Ufaran Yahiin Wabiga Waxaa Uuna Sidoo Kale Uga Digay Dadka Leh Labaajooyinka Baaburka Lagu Dhaqo Iyo Maqaayadaha Cuntada Laga Cuno

Sidoo Kale Gudoomiye Jeeyte Ayaa Sheegay In maamulka Gobolka Hiiraan Uu Garab Taagan Yahay Dadka Uu Soo Ritay Cudurka Shuban-Biyoodka

Inta Badan Xiliyada Guleeyaha Markii La Gaaro Waxaa Sanad Waliba Ka Dilaaco Qeybo Kamid Ah Soomaaliye Cudurka Shubanka Kuwaas Oo Inta Badan Saameeya Dadka Da’Da Ah Iyo Caruurta.

 

cudurka-shubanka-2 cudurka-shubanka-6 cudurka-shubanka-7 cudurka-shubanka-8 cudurka-shubanka-9 cudurka-shubanka-10 cudurka-shubanka-11 cudurka-shubanka-12 cudurka-shubanka-13 cudurka-shubanka-5 cudurka-shubanka-3 cudurka-shubanka-4