{DAAWO SAWIRADA} Katumba Wamala Oo Gaaray Muqdisho lana kulmay Saraakiil iyo Masuuliyiin kale

0
216

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha ugu sareeya ciidamada dalka Uganda Generaal Katumba Wamala, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay saraakiil katirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Taliyaha oo lagu soo dhaweeyay Taliska ugu weyn Ciidamada AMISOM ee kuyaala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Generaal Katumba Wamala ayaa dhinacyadii uu la kulmay kala hadlay sidii loo dar dar galin lahaa howlgalka Nabad ilaalinta Ciidamada AMISOM iyo sidii loo taageeri lahaa dhismaha ciidanka qalablka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan amaanka guud ee dalka.

Waxa uu sheegay Taliyaha ciidamada dalka Uganda in Muhiim tahay in la qalabeeyo lana tayeeyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay Ciidamada AMISOM ugala wareegaan amaanka guud ee Soomaaliya, waxa uuna tilmamaay in dowladiisa ka qeyb qaadaneyso tayeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Dalka Uganda ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga kumanaan askari oo kamid ah howlgalka Ciidamada AMISOM, waxa ayna dowlada Uganda kamid tahay Dowladaha taageera Dowlada Soomaaliya iyadoona marar badan ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya lagu soo tababaray dalkaasi.