Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa Garoonka Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka, Haween iyo xubno kale.
Ujeedka wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay sidii uu kulamo u la qaadan lahaa Waxgaradka Gobolka, waxaana uu kala hadli doonaa dhaliilaha ay ka qabaan Maamulka Hirshabeelle iyo dhismaha golaha Wasiirada.