Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee kormeerka shaqo ku marayey degaanada gobolada Bari iyo karkaar ayaa usoo kicitimay Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu dhagaxdhigay wado laami ah oo isku xiri doonta degmada Bandar-Bayla iyo Degmada Qardho, wadadaas oo Madaxaweynuhu uu sheegay in wadadani lagu hirgelidoono isku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeeda, isla marhaantaana tibaaxay in wadadani wax wayn ka tari doonto isu socdka labada degmo iyo horumarka gobolka Karkaar.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar, halkaasi oo uu ku hakan doono mudo kooban kadibna uu hore ugu sii kicitimi doono Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.