{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Obama oo Cafis u fidiyay Bradley Manning oo mar Dunida Caan ka noqda

0
243

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo ka faa’iideesanaya waqtiga yar ee uga haray xilkiisa ayaa cafis u fidiyay Sargaal horey uga tirsanaa ciidanka Dowlada Mareykanka oo lagu magacaabo Bradley Manning.

Sargaalkan ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee bixiyay xogtii ugu badneyn oo sir ah ay laheed dowlada Mareykanka, waxaana sirtan noqotay mid ka fakatay dalka Mareykanka si weyna caalamka looga ogaaday.

Bradley Manning oo hada magaciisa u badalay Chelsea Manning ayaa ahaa ninkii boga Internetka ee Wikileaks u gudbiyay 700 kun oo dokumenti sir ah oo laheed dowlada Mareykanka, xogtan ayaana aheed midii caanka ka dhigtay bogga Internetka ee Wikileaks.

Xogta sirta ah uu fakiyay sargaalkan katirsanaa ciidanka Mareykanka ayaa intooda badan ku saabsaneyd dagaaladii Dowlada Mareykanka ku qaaday dalalka Ciraqa iyo Afgaanistan iyo fariimo ay is dhaafsadeen Safaaradaha Mareykanka.

Bradley Manning ayaa sanadii 2013-dii Maxkamad kutaala dalka Mareykanka ku riday xukun xabsi ah 35- sano, Sargaalkan ayaa dunida caan ka noqday kadib markii la faafiyay sirihii uu kasoo xaday Dowlada Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa sargaalkan hada u fidiyay cafis kahor inta uusan xilka wareejin maalinta Jimcaha, Sargaalkan ayaana la tilmaamay in uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee bixiyay sir badan oo u qarsooneed dowlada Mareykanka.

Xogaha iyo siraha uu sargaalkan Mareykanka siiyay bogga Internetka ee Wikileaks ayaa caan ka dhigtay milkiilaha boggan julian Assange oo marar badan banaanka soo dhigay siro iyo xoggo kale oo laga helay meelo kala duwan.