{DAAWO SAWIRADA} Munaasad lagu xusayo maalinta war-faafinta Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ka Socoto.

0
247

 Magaalada Muqdisho maanta waxaa laga xusayaa maalinta war-faafinta Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka January.

Munaasabad lagu xusayo maalintan ayaa waxa ay hada si toos ah uga socotaa Magalada Muqdisho, waxaana Munaasabadan si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Somali Media Association (SOMA) iyo ururka NUSOJ.

Gudoomiyaha SOMA iyo Xoghayaha NUSOJ oo Munaasabadan si wadajir ah u furay ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota labada urur, Macalimiin, Saxafiyiin, Qeybaha kala duwan ee warbaahinta, Qoraayaal, ururada bulshada iyo xubno kale.

Munaasabadan ayaa inta ay socoto ayaa waxaa inta badan lagu falanqeyn doonaa Taariikho ku saabsan war-faafinta Soomaaliyeed, tan iyo 21-ka Janaayo 1973-kii oo aheyd maalintii ugu horreysay ee uu soo baxo Wargeys ku qoran Afka Soomaaliga ilaa iyo hada.

Daawo Sawirro hordhac oo uu helay webka HIIRAANWEYN.NET sidoo kale waxaan idin balan qaadeynaa Taariikho ku saabsan maalinta war-faafinta Soomaaliyeed iyo sawirro la xiriira Munaasabadan, inaan idin soo gudbino goor dhow.

 

1w

3w

2w