{DAAWO SAWIRADA} Nin Guursaday in ka badan 100- Haween ah oo geeriyooday

0
259

Dalka Nageria waxaa ku geeriyooday Maxamed Bello Abubakar oo ahaa Nin Wadaad ah oo guursaday in ka badan 100-Xaas, waxa uuna ninkan sidoo kale dhalay caruur aad u badan.

Maxamed Bello Abubakar ayaa hada geeriyooday isaga oo 93-sano jir ah ,waxa uuna u geeriyooday xanuun aan la shaacin , ninkan ayaana ahaa Nin wadaad ah oo dadka wacdiya caana ka ahaa qeybo kamid ah Dalka Nageria.

Ninkan ayaa Warbaahinta caalamka warbixo kala duwan ka qoreen si weyna dunida ugu soo caan baxay sanadii 2008-dii xiligaa uu qabay 86 xaas, waxaa sidoo kale xiligaasi u joogtay 130-caruur ah.

Wargeyska Daily Trust newspaper ayaa qoray Xaasaska uu Abuubakar ka geeriyooday in ay hada gaarayaan 130-xaas sidoo kale caruurtiisa ay kor u dhaafiyaan 200-caruur ah oo u dhaleen xaasaskaasi tirada badan.

Xaasaska uu ka geeriyooday Maxamed Bello Abubakar ayaa la sheegay in xiligan qaarkood ay lahaayeen Uur, waxa uuna ninkan ahaa nin si weyn looga yaqaan dalka Nageria saameyn badana ku lahaa deegaanka uu kunoolaa.

Aaska Maxamed Bello Abubakar oo dhacay Axadii shalay waxaa kasoo qeyb galay dad aad u badan, Warbaahinta dalka Nageria iyo kuwa Caalamka ayaana si weyn u hadal haya geerida ninkan oo lagu tilmaamay kan ugu xaasaska badan Dunida inta la ogyahay.