{DAAWO SAWIRADA} Qaar Kamid Ah Garsoorayaasha Kubbadda Cagta Somalia Oo Maanta Ka Amba Baxay Magaalada Muqdisho

0
349

Afar ka mid garsoorayaaasha kubbadda cagta Soomaliya una-diiwaan gashan xiriirka kubbadda cagta soomaiya ayaa amanta ka ambaxay caasimadda Somalia ee Muqdisho iyagoo u duulay dalka Jabuuti.

Afarta Garsoore ayaa 20-bisha Janaayo dhex dhexaadindoono kulan ka tirsan Tartanka Jaamacada carabta waxaana wada ciyaaridoono kooxaha kubbada cagta Telecom waxa ay ka dhisan tahay dalka Jabuti, Al mariikh ay iyadana ka dhisan tahay dalka Sudan.

Garsoorayaasha safray waxa ay kala yihiin Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Xamze Xaaji Cabdi,Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi iyo Bashiir Colaad Carab oo ah dhamaan garsooryaal u diiwanshan xiriirka kubbadda cagta qarada Afrika iyo kan Soomaliya.

Xasan Maxamed Xaaji ayaa ah garsooraha dhexda Kulanka Calanhayaha 1-aad Xamze Xaaji Cabdi,Calanhayaha 2-aad Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi,halka Bashiir Colaad Carab isagana yahay sarkaarka afraad ee Kulanka ama garsooraha keydka.

Kooxaha kubbadda cagta Telecom VS Al mariikh ayaa 20-bishaan ku ciyaaridoono garoonka Al-Haji Guleed Stadium ee dalka Jabuuti.

Si kastaba waa safarkii ugu horeeyay ee garsooryaasha kubbadda cagta Soomaliya sanadka Cusub 2017 ay u ambaxaan dalka dibadiisa.