{DAAWO SAWIRADA} Qax ka biloowday Gambia iyo Ciidamo badan oo la Geeyay xaduuda dalkaasi

0
193

Dalka Gambia ayaa xiligan galay xaalada adag, waxaana dadkii dalxiisayaasha ahaa iyo ajaaniibtii ku nooleed ay bilaabeen in ay dalkaasi iasaga qaxaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalo iyo qalalaase ay ka dhacaan.

Kumanaan Dalxiisayaal iyo Ajaaniib kale oo kunooleed dalka Gambia ayaa isaga qaxay, waxaana dalkaasi gaaray diyaarado qaas ah oo dadkaasi looga soo daad gureeyay, waxaana wali dalkaasi ka qaxaya dad badan oo u dhashay iyo kuwa ajaaniib ah kuwaa oo galaya wadamada dariska la ah.

Dowlada Senegal ee dariska la ah dalka Gambia ayaa ciidamo badan geeysay xaduuda dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamada Senegaal iyo ciidamo kale oo ka socda wadamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS faro galin milatari ku sameeyaan dalka Gambia .

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Madaxweynihii dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa diiday in uu xilka ku warejiyo Madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hada ku sugan dalka Senegal, waxaana la qorsheenayaa in Madaxweyne Yahya xilka looga tuuri si qasab ah.