{DAAWO SAWIRADA} Weerar Gaari Wiish ah loo adeegsaday Oo Yahuuda lagu Weraray Iyo Qasaaro Ka dhashay

0
258
ISRAEL-PALESTINIAN-CONFLICT-ATTACK

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Isra´iil gaar ahaan deegaanka loo dalxiis tago ee Armon Hanatziv Promenade ayaa waxa ay sheegayaan in Nin watay gaari weyn oo Wiish ah uu jiir siiyay dad fara badan .

Dhimashada weearkaan ayaa ilaa iminka waxaa la xaqiijiyay 4-qofood halka dhaawaca uu ka gaarayo 13-qofood oo qaarkood qaba dhaawacyo culus . Ninkii sida ula kaca ah dadka u jiirsiiyay gaariga Wiishka ah ayaa isna la toogtay .

“Waa weerar argagixiso, weerar gaadhi dad lagu jiirsiiyey” ayay ka sheegtay haweenay booliska afhayeen u ahi idaacadda Israel oo ku warrantay in maydku wadhanyahay wadada, waana weerarkii ugu horeeyey noocisa ah ee ka dhaca dhulka xooga lagu heysto ee Falastin.

Ilaa hada ma jirto cid ama qolo sheegatay weeararkaan loo adeegsaday gaariga weyn ee ka dhacay gudaha dalka Isra´iil . Ma ahan markii ugu horeeysay ee gaari lagu laayo dad waxeeyna arintaan oo kale horay uga dhacday wadamada Faransiiska iyo Jarmalka .