{DAAWO SAWIRADA} Weerar lagu Hoobtay oo ka Dhacay saldhig milateri Oo Ku yaalla magaalada Ga

0
235

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay, qaar kale oo badana wey ku dhaawacmeen weerar qarax baabuur loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaala magaalada Gao ee waqooyiga Mali.

Saldhiga la weeraray ayaa lagu magacaabaa Operational Mechanism base, waxaana dadka ku dhintay weerarkan u badnaa askarta wadankaas.

Ma jirto cid weerarkan sheegatay, laakiin mintidiinta Islaamiyiinta ayaa qaada weeraro tan iyo markii looga guulaystay iyaga iyo mucaaradka Tuareg dagaal ay la galeen ciidamo ay hogaaminayaan Faransiiska sanadkii 2012.

Dalka Mali ayaa sanadkii 2011 maleeshiyaadka Tuwarig waxay ka noqdeen koox falaaga ah, kaddib markii ay ka soo laabteen ciidamo ay ka mid ahaayeen dalka Libya.

Bishi july sanadkii 2014-kii dalka Faransiiska ayaa bilaabay howlgal si ay cagta u mariyaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalkaas ka dilaacay, Balse weerarada ayaa wali ka soconaya saxaraha waqooyiga Mali, iyadoo lagu eedeynayo kooxaha Islaamiyiinta ah.