{DAAWO SAWIRADA} Weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Baqdaad & khasaaraha oo sii kordhaya

0
225

Ku dhowaad afartan ruux ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

lixdaameeyo kale ayaa la soo sheegayaa iney dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaasi oo ka dhacay degmada Sadri, iyadoo kooxda Daacish ay sheegtay masuuliyadda weerarkaas.

Dadka ay dhibaatadu soo gaartay ayaa waxay u badnaayeen xoogsato shaqo maalmeed soo raadsatay sida ay shegayaan wararka ka imanaya goobta ay wax ka dhaceen.

Bam kale ayaa la soo sheegay in lagu qarxiyay meel u dhaw isbitaal ku yaalla bariga magaalada Baqdaad halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ruux.

Weeraradan ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxwaynaha Faransiiska oo dalkaas booqanaya uu sheegay in ciidamadiisa ku sugan Ciraaq ee tababarka wada inay gacan ka gaysteen ka hortaga weerarro argagixiso oo ka dhici lahaa gudaha Faransiiska.