DAG DAG Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Dagmada Baladweyne

0
196

Labo Kamida Kooxo Isbaaro dhigtay Duleedka Dagmada Baladweyne Gaar Ahaana Burjada Ceynta Oo Ku Taala Dhanka Galbeed Ee Duleedka baladweyne  ayaa ku geeriyooday qarax lagu aasay halkii fariisanta u aheyd.

Qaraxa Ayaa ahaa Sida dadka ka agdhawaa nawaaxiga qaraxa ka dhacay sheegeen in uu yahay mid dhulka lagu aasay.

waxaana ku geeriyooday labo kamida kooxihii Isbaarada U taalay Waxaana Ku dhaawacmay ilaa  labo kale sida aan ku heleyno wararka.

Burjada Ceynta waxa Ay Mudooyinkii Danbe Hooy U aheyd Kooxo Isbaareysato ah dadka ku wax yeeleyn jiray halkaasi waxana dhowr jeer oo hore maamulka dagmada baladwene  ciidamo u direen si loo bur buriyo shabakadaasi isbaarada ah balse kuma guuleeysan ciidmada amaanka dagmada baladweyne.

lama oga cidda ka danbeysay qaraxa lala eegtay kooxaha isbaareystada ah ee halkaa daganaa balse waxaa loo maleynayaa in ay shabaabka ku aaseen kuwaas oo iyagana horey dhowr jeer  u weeraray kana fuliyay howl galo ay kula dagaalamayaan burcadka halkaa dagan waxana shabaabku halkaa ku goowraceen tiro kamida kooxaha halkaa isbaaradu u taalo.

waxii kusoo kordho waxaad kala socon doontaan wararkena xiga insha allah.