Dagaal ka socda Magaalo ku taalla Suuriya

0
219

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay weerar ku qaaday degaano hor leh oo ay dowladda gacanta ku hayso ee magaalada bariga ku taal ee Deir El-Zour.

Kooxaha u ololeeyo arrimaha Suuriya ayaa sheegaya in ay iskudhacyo culus dhexmarayaan dagaalyahanada Daacish iyo ciidammada dowladda.

Waxa ay sheegeen in ugu yaraan halkaasi laga maqlay dhawaqa lix qarax oo waa weyn.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin ururka la magac baxay Dowladda Islaamiga ah.

Kooxahan  ayaa waxa ay gacanta ku hayaan in ka badan kala bar magaalada Deir El-Zour, sidoo kalana waxa ay muddo ku dhaw laba sano go’doomin ku hayeen degaanada ay dowladda gacanta ku hayso.

Sidoo kale waxa ay gacanta ku hayaan inta badan degaanada ku xeeran magaaladaasi.