DEG DEG: Xabsiga Maxaas oo lagu toogtay Wiil u dhalay Hogaamiye ka tirsan Al shabaab

0
207

Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in  Xabsiga dhexe ee degmadasi lagu toogtay  wiil u dhalay Guudoomiyaha Al shabaab u qaabilsan  degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Maxaas Bishaar Faarax Darandoori ayaa sheegay in  xabsiga dhexe lagu toogtay wiil u dhalay Hogaamiye ka tirsan Al shabaab islamarkanaa dilka u geystay mid ka mid ah ciidamada deeganka oo shalay walalkiis lagu dilay degmada Moqokori.

Wixi ku soo kordha kala soco HIIRAANWEYN.NET